Xaquuqda dadka deegaanka

Waa muhiim inaad hesho tallo gaar ah! Kala hadlida qof hay'ada taageerada siisa dhibaha (Opferhilfe) ma keeneyso inuu qofku waayo xaquuqdiisa deganaanshaha. Wada sheekeysigu waa qarsoodi. Hay'ada taageerada siisa dhibanaha (Opferhilfe) qofna uma sheegto waxa loo sheegay.

Xaquuqda deganaanshaha haddii lamaanuhu kala tagaan sababo la xariira rabshada qoyska

Haddii qofku yahay Switzerland sababo la xariira guur uuna la kulmo rabshad qoys, qofkaan wuxuu sii ahaan karaa Switzerland xataa haddii ay kala tagaan lamaanihiisa, inkastoo xaalada ay ku xiran tahay. Xaalad kasta mida kale way ka duwan tahay. Taasina waa sababta raadsashada tallo muhiim u tahay.

Xarumaha tallada taageerada dhibanaha (Opferhilfe-Beratungsstellen) waxay bixin karaan taageero. Khabiir ayaa sharaxaaya xaalada sharci ee hadda wuxuuna dhibanaha ka taageerayaa tallaabada xiggta. Talladu waa bilaash waana qarsoodi. Waxaa macquul ah in loo baahdo turjumaan.

Diiwaangelinta rabshada

Waa muhiim in qofku haysto caddeyn muujinaysa rabshada. Tusaale ahaan: sawirada dhaawaca, sawirada hanjabaada ama xadgudubka ka dhaca WhatsApp ka, Facebookga, iwm. Caddeynta waa in lagu kaydiyo meel ammaan ah. Tusaale ahaan, guriga saaxiib ama goobta shaqada.

Sidoo kale waa wax wanaagsan in lala socodsiiyo arrinta dadka u dhaw meesha xadgudubku dhacay. Tusaale ahaan, qof katirsan kooxda saaxiibada, shaqada, dariska ama dugsiga.