Halkaan waxaa laga heli karaa caawimaad

Waa muhiim inaad hesho caawimaad la xariirta rabshada guriga! Waxaa jira hay'ado badan oo bixiya macluumaad, tallo iyo taageero. Arrintaan caadiyan waa qarsoodi badanaana waa bilaash waxaana la heli diyaar ah turjumaan haddii loo baahdo. Caawimaad ayaa laga heli karaa goobahaan.

Xaaladaha degdega ah

  • Booliska: 112 / Aambalaas: 144
  • Hoyga Dumarka: AppElle! (Khadka 24/7), 031 533 03 03
  • Qolka Xaaladaha Degdega ah ee Isbitaalka: Daaweynta dhaawacyada waxaa laga heli karaa qolka xaaladaha degdega ah ayadoon wax ballan ah loo qabsan
  • Xaaladaha degdega ah ee caafimaada maskaxda: Liiska meelaha la xariira oo ku saleysan deegaanka waxaa laga helayaa www.psy.ch

Macluumaad dheeraad ah oo la xariira caawimaada xaaladaha degdega ah halkaan ayaa laga helayaa.

La-talinta dumarka iyo carruurta

Waa qarsoodi waana bilaash. Waxaa macquul ah in loo baahdo turjumaan.

La-talinta qof walba

Waa qarsoodi waana bilaash. Waxaa macquul ah in loo baahdo turjumaan.

Carruurta iyo dadka yaryar

Carruurta iyo dadka yaryar ee ay haysato xaalado adag waxay wici karaan Pro Juventute maalintii iyo habbeenkii si ay ula hadlaan. Waxay kula xariiri karaan taleefoon, wada sheekeysi, fariin qoraal ama iimayl.

  • Pro Juventute: Waa tallo bilaash ah oo ah qarsoodi 24/7, taleefoonka. 147, www.147.ch (DE | FR)

Haddii laga shakiyo xadgudub ilmo, kooxda ilaalinta ilmaha 16 hirka ah laga shakyo, kooxda badbaadada ilmaha ee Isbitaalka Jaamacada (Inselspital) ayaa qiimayn doonto oo sidoo kale kaal tashandoonto shakhsiyaad gaar ah iyo xirfadlayaal.

Caawimaada caafimaadka iyo baaritaanka

Xaaladaha degdega ah ee Magaalada (Magaalada Notfall) Bern ee la xariira dhaawacyada iyo caddeymaha kasoo kabashada kadib xadgudubka jirka. Baaritaanada waa qarsoodi. Booliska waxaa kaliya lala socodsiiyaa xogta haddii dhibanuhu sidaas rabo. Dadka meelo kale ka raadsanaaya daaweyn caafimaad waa inay dhakhtarka waydiistaan dukumiintiyada muujinaaya xadgudubka.

  • Xariirka caafimaadka ee loogu talagalay dhibanayaasha la kulma rabshada: Xaaladaha degdega ah ee Magaalada (Magaalada Notfall) Bern, 031 326 20 00, Schanzenstrasse 4a, 3008 Bern, www.citynotfall.ch/de/postparc-bern (DE)
  • Marka uu joogo dhakhtarka caafimaadka qoyska ama xaaladaha degdega ah ee ka jira isbitaalka kuugu dhaw

Xadgudubka galmada

Meelaha kale ee lala xariiraayo

Webseedka Xarunta Waxqabadka Bern ee qaabilsan Rabshada Qoyska (Berner Interventionsstelle gegen Häusliche Gewalt) waxaa ku qoran hay'ada kale ee caawimaada bixin kara. Tusaale ahaan, su'aalaha la xariira socdaalka, la qabsiga la-talinta, tallada sharciga ama la-talinta la xariria xaaladaha adag ee qoyska (liiska Jarman iyo French).