Caawimaada loogu talagalay dadka rabshada geysta

Qof kasta oo qof kale jir ahaan ama dareen ahaan dhibaato u geysta waa inuu qaato masuuliyada uuna gelo caawimaad. Isbadelka dabeecada waxaa lagu oggaan karaa kalfadhiyada la-talinta.

Halkee ka heli karaa caawimaad?

Barnaamijka Waxbarashada Bern ee ka dhanka ah Rabshada Qoyska (Berner Lernprogramm gegen Häusliche Gewalt) wuxuu dadka baraa qaabka loo xalliyo dhibaatooyinka ayadoon la sameyn rabshad. Barnaamijka waxaa loogu talagalay dadka waawayn. Waxaa macquul ah in loo baahdo turjumaan. Qaybta koowaad waa lacag la'aan.

Qof walba oo u baahan qof uu isla markiiba la hadlo wuxuu la xariiri karaa Qof Caawimada (Dargebotene Hand) asagoo kula xariiraya taleefoon, fariin qoraal ah, wada sheekeysi ama iimayl. Mar walba waxaa jira qof diyaar ah. Xataa habbeenkii. Waxaa xiriirka sameyn karaan ayagoon sheegin magaca (qarinaaya magacooda).

Waaxda rabshada ee gaarka ah (Fachstelle Gewalt) waxay sidoo kale bixisaa tallo la xariirta rabshada.