Carruurta

Carruurta guriga kula kulma rabshada waxay u baahan yihiin caawimaad.

Rabshada qoyska waxay cawaaqiib xumo ku keentaa carruurta

Marka carruurta rabshada kala kulmaan guriga, waxay saameyn xun ku yeelataa kobacooda. Arrintaan waxay dhacdaa xataa haddii si toos ah carruurtu rabshada ula kulmin.

Qaar kamid ah carruurta waxay dhibaatada ula kulmaan si hoose, qaar kale waxay muujiyaan astaamo kaladuwan. Tusaale ahaan: dhibaatooyinka ka haysta dugsiga, isku kaadinta, madax wareer, hurdo la'aan iyo wax cunis la'aan, dhibaatooyinka la xariira la dhaqanka carruurta kale.

Hay'adahaan waxay taageero siiyaan carruurta

Xarunta Taageerada tallada siiya dhibanaha (Opferhilfe) waxay carruurta siiyaan tallo marka ay la kulmaan rabshada qoyska. Xog dheeraad ah oo ku saabsan Taageerada Qoyska (Opferhilfe) ayaa halkaan ka helaysaa.

Adeegga tallada waxbarashada la xariirta ee canton of Bern waxay carruurta ka taageertaa kobaca caafimaadka leh. Carruurta iyo dadka yaryar waxay caawimaad ka heli karaan halkaan, tusaale ahaan dhibaatooyinka qoyska.

Maxay Carruurtu sameyn karaan?

Carruurta rabshadaha kula kulma guriga waa inay la hadlaan qof ka baxsan qoyska. Tusaale ahaan: macalimiinta, shaqaalaha dugsiga bulshada, saaxiibada waalidka ama dariska.

Pro Juventute waxaa la wici karaa maalin iyo habbeen. Khabiiradoodu cidna uma sheegaan wada hadalka lala yeesho. Waxay dhageystaan oo ay caawiyaan dhibanayaasha si ay u helaan xal. Wicitaanada lala sameynaayo Pro Juventute waa bilaash. Dadka wicitaanka sameynaaya lagama doonaayo inay sheegaan magacooda. Pro Juventute sidoo kale waxaa lagula xariiri karaa fariin qoraal ah, hab wada sheekeysi ah ama iimayl.