Xadgudubka galmada

Xadgudubyada galmada sidoo kale waxay ka dhex dhacaan lamaanayaasha iyo qoyska. Rabshada galmada waa nooc kamid ah xadgudubka galmada. Waxaa loo gudbin karaa booliska. Xataa haddii dhibanuhu uusan dooneyn in loo gudbiyo booliska, waa muhiim in la sameeyo baaritaan caafimaad kadib xadgudubka.

Caawimaada caafimaadka

Jaamacada isbitaalka Bern (Inselspital Bern) waxay dhibanayaasha ula dhaqantaa qaab qarsoodi ah.

  • Dhakhtarku cidna uma sheego.
  • Xadgudub kasta waa mamnuuc. Caddeynta waxaa la kaydiyaa 15 sano.
  • Dukumiintiga waxaa la siin karaa booliska muddo kadib. Waa caddeyn muhiim ah.
  • Dhakhtarku wuxuu xiriir la sameyn karaa adeegyada taageerada dhibanaha (Opferhilfe).

Inta u dhaxeysa xadgudubka iyo baaritaanka

  • Dhibanayaashu waa inaysan qubeysan ama is dhaqin - xataa waa inaysan dhaqin gacmahooda.
  • Haddii ay macquul tahay, dhibanayaashu waa inaysan aadin musqul.
  • Dhibanayaashu waa inay dharkooda keenaan baaritaanka (ayagoon dhaqin).

Tallada Sharciga iyo Dhimirka

Xarumaha tallada taageerada dhibanaha (Opferhilfe-Beratungsstellen) waxay bixin karaan taageero sharci iyo mid dhimir. Waxay yaqaanaan jawaabaha su'aalo badan. Taageero ayaa laga heli karaa halkaan.

U gudbinta Xogta Booliska

Boolisku waxay khibrad u leeyihiin warbixinada la xariira rabshada qoyska. Wareysiyada waxaa loo qaadaa qaab toos ah waxaana qofka la yeesha qof ay isku jinsi yihiin. Cabashada waxaa laga buuxsan karaa xarunta booliska. Qof aaminaad leh ama khabiir ka socda hay'ada taageerada dhibanaha (Opferhilfe) ayaa la imaan kara dhibanaha.

Saacadaha ka baxsan kuwa shaqada, booliska waxaa laga wici karaa 112. Dumarku sidoo kale halkaan ayay ku dhaafi karaan fariin. Gabar boolis ah ayaa qofka dib u wici karta.

  • Booliska Cantonal waxay dumarka kula xariiraan taleefoon: 031 332 77 77 (mashiin ayaa ka jawaabaya)