Dandaansi

Dandaansigu waa nooc kamid ah xadgudubka waana wax keena welwel badan. Waa muhiim in laga hadlo lana helo tallo.

Waa maxay Dandaansi?

Dandaansigu waa in si saa'id ah qof isha loogu hayo, gacan loo geysto, loona geysto xadgudub. Arrintaan waxaa qofka lagu sameeyaa asagoon raali ka ahayn. Dadka inta badan sameeya waa dadka dhibaatooyinka geysta (sida lamaanayaashii hore) laakiin qofka geysanaaya wuxuu noqon karaa qof aadan aqoon.

Tusaale ahaan: soo dirista fariimo qoraal ah oo waawayn, iimaylo iyo fariimo kale, tacadiyad ka dhacda shaqada ama guriga, xadgudub lagu geysto taleefoon, hadiyado uusan qofku rabin iyo ka raadinta xog goobta qofka.

Dandaansigu wuxuu saameyn karaa caafimaadka dhibanaha iyo xaalada maskaxdiida.

Diiwaangelinta rabshada

Waa muhiim in la caddeeyo dandaansiga. Tusaale ahaan, dhibanuhu wuxuu qori karaa dhibaatada dandaansiga ee loo geysto (tusaale, hadiyadaha, qoraalada, wicitaanada taleefoonka), dhibanuhu wuxuu arrinta la socodsiin karaa dadka u dhaw (deriska, saaxiibada ama shirkada uu u shaqeeyo) wuxuuna kaadi karaa sawiro/caddeymo muujinaaya fariimaha (WhatsApp ka, Facebookga, iwm.).

Raadsashada taageero

Xarumaha tallada taageerada dhibanaha (Opferhilfe-Beratungsstellen) waxay bixin karaan taageero. Khabiir ayaa caddeyn kara xaalada sharci wuxuuna dhibanaha ka taageeri karaa tallaabada xiggta.

Dadka degan magaalada Bern waxay la xariiri karaan Waaxda Dandaansiga iyo Rabshada Qoyska (Fachstelle Häusliche Gewalt und Stalking)