Waa maxay rabshada qoyska?

Rabshada qoyska waa xadgudubka ka dhex dhaca qoyska ama iskaashiga. Waxay saameyn ku yeelataa jirka iyo dareenka qofka. Rabshada qoyska waxay leedahay noocyo kaladuwan. Rabshada qoyska waa ka mamnuuc dalka Switzerland.

Waa maxay rabshada qoyska?

Rabshada qoyska waa xadgudubka ka dhex dhaca qoyska ama iskaashiga: Ee u dhaxeysa dadka reeraha leh ama dadka wada jooga ama wadi joogi jiray. Muhiim ma ahan inay isla nool yihiin. Xadgudubka ka dhex dhaca waalidiinta iyo carruurta ama u dhaxeeya walaalaha/gabdhaha walaalaha sidoo kale waa rabshad qoys.

Rabshada qoyska waxay keeni kartaa xanuun la xariira maskaxda iyo dhimirka. Rabshada qoyska sidoo kale waxay keentaa caqabadaha kobaca bulshada iyo caafimaadka carruurta.

Yaa saameyntu gaartay?

Rabshada qoyska qof walba waa ay saameyn kartaa: dadka yaryar iyo dadka waawayn, dadka haysta iyo dadka aan haysan baasaboorka Swiss, dadka maalqabeenada ah iyo qoysaska danyarta ah. Dad badan oo kunool Switzerland waxay la kulmaan rabshada qoysaskooda ama iskaashiga. Waa muhiim in dhibanayaashu helaan caawimaad.

Noocyo badan oo foomam ah

Waxaa jira nooc kaladuwan oo rabshada qoyska ah – mid jireed, mid dhimir, xadgudubka galmada iyo dhaqaalaha. Badanaa, noocyada rabshada qoyska waxay dhacaan waqti isku mid ah.

Tusaale ahaan: cayda joogtada ah, taabashada mamnuuca ah, xadgudubka, riixida, xakameynta, ku qasbida qof galmo, xoogida lacag, ka mannuucida qof inuu barto luuqad iyo dayacaada carruurta. Hanjabaadaha sidoo kale waxay kamid yihiin rabshada qoyska.

Rabshada qoyska waa mamnuuc

Rabshada qoyska waa mamnuuc. Waxaa ka dhalan kara ganaax. Haddii boolisku oggaadaan rabshad qoys, waa inay sameeyaan baaritaan, xataa haddii qofka la kulmaaya xadgudubka uusan dooneyn in sidaas la sameeyo.